Daawo: Maareeye uu xilka ka qaaday Rooble oo ku gacan sayray, shaaciyeyna sabab yaab leh oo ay isku hayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo Maareeye KMG ah loogu magacaabay hay’adda.

Aadan Xasan Bare ayaa sheegay in warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble aysan laheyn habraac, islamarkaana la isku biday awood dheeri ah.

“Maareeye Guud haddii la magacaabayo waxay u baahan tahay in loo maro nidaam, Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedin waxaana lagu magacaaba digreeto Madaxweyne. Sidoo kale midka xilka laga qaadayo wadadaas oo kale ayuu maraya oo Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedinta kadibna waa in uu aqbalo Madaxweynaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta loo soo magacaabay Maareeyaha KMG ah ay daba socotay qandaraas sharci darro ah oo ay diiday Hay’adda tayo-dhawrka Qaranka, shaqsi ahaana uu meel adag iska taagay.

“Arrintaan waxay aheyd mid soo socotay muddo Afar bilood ah, sida ogtihiin waxaa jiray qandaraas si sharci darro ah ku bixisay Wasaarada Ganacsiga oo la siiyay Ganacsato, wuxuuna qandaraaskaas ahaa howl ay hay’adda u xil saaran tahay. Ganacsatadaas dhinaca kalena waxay xiriir la lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, taasi oo keentay in Ra’iisul Wasaaraha uu culeys nagu saaro in aan aqbalno.”

Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa xil ka qaadistiisa ku tilmaamay mid dan shaqsi ah, islamarkaana uu sii wadan doono shaqadiisa, maadama uu waxba kama jiraan tahay ku sheegay warqada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Dadka dowladda xilalka ka haya waa inay dhowraan nidaamka dowliga oo aysan ku xad-gudbin hantida iyo mas’uuliyada loo dhiibay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa la socon-siinaya in hay’adda culeyska saaran uu yahay mid dano shaqsi ah, kuwaasi oo ka xoog batay dantii guud, waana ka gudbeyna midaas oo u istaagi meyno.”