Daawo: MUUSE BIIXI oo ka degay Jigjiga + Qorshaha

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa madaarka diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ku soo dhaweeyey wafdiga Muuse Biixi, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar oo ay wehlinayaan madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo madaxda kala duwan ee dawlad deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu safar dhinaca dhulka ah ku galo Hargeysa, halkaasi oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhoweyntiisa.

Biixi ayaa heshiis is-afgarad magaalada Addis Ababa kula soo saxeexday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo uu Itoobiya ugu saxiixay dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Heshiiskan ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka, ayaa sheegay in aysan jirin cid awood u leh in Soomaaliya cad kamid ah ay bixiso, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskaasi.

“Cid awood u leh in Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso awoowayaasheena iyo aabayaashheena ayaa diiday anaga inta aan nooleyn ayaan diiday, waxa ka dhacay Addis Ababa 1 Janaayo 2024 sinaba dhaqan gal kuma noqon karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Soomaali Soomaali baa leh waana u dhimaneynaa waana difaaceynaa.”

Si kastaba, Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.

Hoos ka daawo muuqaalka