Daawo: Muxuu madaxweyne Xasan ka sheegay saxiixa Axdiga ku biirista ururka EAC?

Entebbe (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadii uu ku saxiixay qariiradaan cusub ee bulshada bariga Afrika, wuxuuna ku amaanay madaxda dalalka ku bahoobay daladaan sida ay ugu sarakaceen soo dhaweynta Soomaaliya.

“Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga afrika ee caalamka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Xasan Sheekh wuxuu ka hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab, wuxuu sheegay in hormar muhiim u ah gobolka ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka.

“Horumarka ay ciidamada qaranka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka Khawaarijta, ayaa muujinaya ka go’naashaheena ku biiridda dalaadaan iyo hanashada amniga guud ee gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday guushii ay Soomaaliya ka gaartay dadaalkii ay u gashay in laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saaraa 31-ka sano.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa madaxda daladda uga warbixiyey guushii kale ee Soomaaliya ay ka gaartay barnaamijkii 10-ka sano ee socday ee deyn cafinta oo muhiim u ahaa dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee Soomaaliya.

“Dadaalkii dheeraa ee aan u galnay cafinta deynta ayaa ka marqaati ka caya sida ay nooga go’antahay kubcinta ilaheena dhaqaale oo muhiim u ah horumarinta, si wadajir ah u dhisno dhaxal midnimo iyo wax wadaqabsi,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka daawo khudbadda