Daawo: Madaxweyne Xasan oo qaatay shahaadada PhD

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay war ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaatay shahaadada PhD ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ayaa si Online ah ku dhigtay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay (University for Peace), isagoo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacaddaasi oo uu ku bogaadiyey heerka uu gaaray.

Waxaa Jaamacaddan dhigta siyaasiyiin badan oo Soomaaliya oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood dhowaan ka qalin jebinaya.

Xasan Sheekh waxa uu noqday madaxweynihii ugu darajada sareeyay xaga aqoonta maadiga ah oo ka taliya Soomaaliya iyadoo ay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ay uga horreeyeen 8 madaxweyne.

Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay shahaadada sare ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ku bixinayso hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta adeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay go’aanka dowladdu ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafo lacagta qaadashada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqdan aas-aasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin ubadkeenna Soomaaliyeed.

Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ku bogaadiyey Jaamacadaha gudaha dalka kobaca ay sameeyeen, waxa uuna kula dardaarmay in ay waxbarashada heerka sare ay la kaashaadaan dhiggooda kaga horreeya caalamka.