Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diray fariin culus + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbad ku aadan dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in laga faa’iideysto barakada iyo khayrka bisha Ramadaan, ayada oo Alle SWT loo dhowaanayo.

“Ramadaan fursad waayay sanadkii hal mar ayey timaadaa dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay ka faa’iideystaan oo ay Alle ugu dhowaadaan waxa ay Alle ugu dhowaanayaana ay noqdaan dalka, dadka iyo diinta u hiilinteedam” ayuu yiri Xasan Sheeh.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in la’isku gurmado, si loo caawiyo dadka danta yar ee ku nool gudaha waddanka, isla-markaana aan heysan afurka.

“Dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee gacantooda gaaban tahay waxa ay heystaan ay yar yihiin haloo gargaaro, hana laga garab istaago,’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa kale oo uu ku baaqay in sidoo kale la’is cafiyo, maadaama la guda galay bishii barakeysan ee Ramadaan.

“Bishaan waa bishii barakeysneyd hala is cafiyo waalkaa ay wax kaa soo gaareen cafi, cid kasta oo wax kaa tirsaneysana cafis weydiisyo, adiguna cafi” ayuu madaxweynuhu.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maamuud ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo maslxadda, nadda iyo isku soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed ee wax kala tirsanaya.