Wiil Soomaali ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Canada

Toronto (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu dilay wiil Soomaali ah oo ka dhacay bariga magaalada Toronto ee dalka Canada.

Weerarkan ayaa waxaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay laba qof oo marxuumka la socotay, walow aysan boolisku shaacin halka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid kamid ah labada la dhaawacay uu Soomaali yahay, kaas oo loola cararay isbitaaka.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Madar Xasan oo 21 sano jir ahaa, waxaana la toogtay isaga oo ku sugnaa goob laga dukaameysto oo ku taalla Toronto.

Booliska ayaa haatan wada baaris ku aadan dhacdadaasi, waxaana falkan loo soo xiray Axmed Maxamed iyo Samiir, kadib markii ay soo bexeen tuhuno muujinaya inay ku lug lahaayeen weerarkan.

Saraakiisha booliska ma shaacin sawirrada labada eedeysane ee lasoo xiray iyo sidoo kale wadamada ay u dhasheen.

Sidoo kale waxa ay baarayaashu codsadeen in lasoo xiriiraan dadkii ka agdhowaa goobta uu falka ka dhacay, si ay ula wadaagaan xogaha ay hayaan, una fududaato in gacanta lagu soo dhigo danbiilayaasha.

Waa dilkii labaad oo maalmo gudahood loo geysanayo Soomaalida ku nool dalka Canada, waxayna aheyd todobaadkii hore markii magaalada Edmonton lagu aasay Usaama Ibraahim oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Si kastaba bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Canada, gaar ahaan dhalinyarada ayaa la daala dhacaya dhibaatooyin, ayada oo uu sii kordhay beegsiga iyo dilalka lagu haayo.