Daawo: Madaxweyne Xasan oo farriin culus u diray Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa hadlay ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda ciida Carafo, sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee Soomaaliya heysata hadda ay tahay kooxaha Khawaarijta ah, isagoo wacad ku maray in dowladdu ay soo afjari doonto argagixisada mar aan dheereyn.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin u diray dhalinyarada la qalday ee ka tirsan Al-Shabaab, isagoo ugu gacan haatiyey inay ku soo laabtaan dowladda iyo shacabkooda.

“Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa duruufo adag, dhalinyarada la qalday waxaan ugu baaqayaa inay dadkooda ku soo noqdaan, dambiilayaal dalalkoodii ka soo cararay yeysan idinku laheyn dadkiina, soo noqda dhalinyaro waa sii dhacayaa gabalka Khawaarijta, mustaqbal ma jiro dhankaas ee ka soo noqda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo farriin u diray dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta dhashay dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab wuxuu ku dhiirigeliyey in carruurtooda ay ka soo reebtaan cadowga isagoo ka balan-qaaday inay dowladda ka heli doonaan nolol ay ku farxaan.

“Waalidiinta waxaan leeyahay dhalinyarada ka soo reeba Khawaarijta, ninkii ka soo hara Khawaarijta cafis ayuu helayaa, dowladuna noloshiisa ayey ka shaqey doontaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa dadka fuqarada ah ugu laab qaboojiyey inay ku sabraan imtixaanka Alle, isagoo dadka wax heysta ka codsaday inay u gargaaraan walaalahood oo ay wax sadaqeystaan.

“Farriinteydu waxay ku socotaa dadka wax heysta, walaalayaal deriskiinu yeysan gaajoon, carruurta qoyska kula degan ayeysan gaajoon kuwaaga oo dhergan, markii aan dhulka isugu kaalmeyno ayuu ilaahey samada nooga soo kaalmey doonaa,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Hoos ka daawo