Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta daah-furay qorshaha Soomaaliya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, isaga oo ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada dhirtu ay u leedahay dalkeena oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogana ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taasi oo sababtay nabaad-guur xoogan oo saameeyey nolosha iyo deegaankaba.

“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu'” ayuu yiri.

“Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu faray hay’adaha dowladda inay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan.

Wuxuu ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka ee ay dowladdu diyaarisay.

Ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah u faray maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda deegaanka Soomaaliya inay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasimadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada dalka.