Daawo: Dowladda Sacuudiga oo maanta MUQDISHO ka qaaday dhaawacyada 8 qof

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad uga qaaday sideed qof oo qabta dhaawacyo kale duwan, kuwaas oo ku dhaawacmay weerarkii Hotel Xayaat iyo weerarro kale oo Hoobiye loo adeegsaday oo Al-shabaab ay Muqdisho ka fuliyeen.

Dadkaan oo dhamaantood shacab ah ayaa waxaa la sheegay in qaar kamid ah guryahooda ay hoobiyayaal ugu tageen, qaarna ay ku dhaawacmeen weerarkii Hotel Xayaat, kadibna isbitaallada Muqdisho waxaba looga qaban waayey.

Diyaarad maanta oo Jimco ahayd ka timid Boqortooyada Sacuudiga ayaa 8-daan qof garoonka Aadan Cadde ka qaaday, waxaana lagu soo daweynayaa dalkaas.

Wasiir Caafimaadka XFS, xildhibaano, safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ku sugnaa garoonka Aadan Cadde markii laga qaadayey dhaawacyada dadkaan oo lagu soo daweynayo dalka Sacuudiga.

Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay caawinta ay la garab taagan yihiin dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee burburka ka soo kabanaya.

Wasiirka Caafimaadka XFS Cali Xaaji oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay maanta ka soo jawaabtay codsi ay u dirsatay dowladda Soomaaliya, oo ahaa in gurmad caafimaad  ay u fidiso dadka Soomaaliyeed ee dhaawacyadooda dalka waxaba looga qaban waayey.

Hoos ka daawo