Dhageyso: Korneyl Rufle oo shaaciyey khasaaraha weerar ay Kenya kusoo qaaday Gedo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo culus ka geystay gudaha deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Xoolo iyo guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa la sheegay in lagu burburiyay duqeymaha ay ciidamada Kenya ka geysteen Caalcadde.

Korneyl Aadan Axmed Rufle oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in 21 neef oo Ari ah, Faras iyo Rati Geel ah ay duqeymahaas ku dileen ciidamada Kenya.

Sidoo kale Korneyl Rufle wuxuu sheegay in laba Guri oo dad shacab ah ay lahaayeen lagu burburiyay duqeynta, waxaana ka badbaaday reerkii degaanaa gurigaas oo ka cararay goobta.

“Diyaaradaha Kenya oo ka soo gudbay Mandheera ayaa duqeyn ka geystay Ceelcadde, laba guri oo bartamaha magaalada ku yaalla ayaa la duqeeyey, halkaas waxaa lagu laayey xoolo, 21 neef oo Ari ah, Aawr geel ah iyo Faras ayaa lagu dilay,” ayuu yiri Korneyl Rufle.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gantaallo aan qarxin ay weli goobta yaallaan, sidoo kale dadka deegaankaas ayuu sheegay inay guryahooda ka cararaan markii ay hawada soo galaan diyaaradaha Kenya, taas oo sabab u noqotay in reerkii deganaa gurigaas ay duqeynta ka badbaadaan.

“Wax khasaare ah dadka kama soo gaarin duqeyntaas, xoolihii iyo guryihii waa la baabi’iyey, waxaa intaas dheer in bartamaha magaalada Ceelcadde ay yaallaan ugu yaraan shan gantaal oo aan qarxin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Korneyl Rufle.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Dadkaan mudo dheer ayey diyaaraduhu beegsanaayeen, markii ay hawada soo galeen ayaa laga cararay guryaha, dadka qaar waxay galeen guryaha shubka ah, halka qaarna ay u carareen dhul bacaad ah oo aan dhagax laheyn si firirka ay uga badbaadaan.”

Ugu dambeyntii sarkaalkaan ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in deegaanka ay duqeyntu ka dhacday ee Ceelcadde uusan ka jirin wax maamul ah, oo Al-shabaab ay yimaadaan markii ay doonaan, wuxuuna degaankaasi hoos tagaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Hoos ka dhageyso wareysiga Korneyl Rufle: