Daawo: Majaajiliistaha caanka ah ee Basadiir oo lagu soo dhoweeyey MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Majaajiliistaha caanka ah ee Ibraahim Mustafa, isla-markaana ay Soomaalida u taqaano Basadiir ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Basadiir oo u dhashay dalka Tanzania ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde maanta ku soo dhaweeyey saaxibkiis Farxaan Diraac oo wiil dhalinyaro ah, isla-markaana Af-Soomaali u beddala muuqaallada Basadiir oo si weyn loogu wadaago baraha bulshada.

Sidoo kale waxaa soo dhoweeyntiisa ka qeyb qaatay dhalinyaro kale iyo wariyeyaal, kuwaas oo si diiraan ugu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ibraahim Mustafa oo loo garan og-yahay Basadiir socdaalkiisa Muqdisho waa mid horey loo shaaciyey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayay baraha ay ku xiriirto bulshada.

Sidoo kale wuxuu inta uu Muqdisho joogo Basadiir qaban doonaa bandhig weyn, maadaama uu sidoo kale uu yahay fannaan caan ku ah Raabka, sidoo kalena uu dadweynaha la wadaagi doono muuqaallo xiiso leh, kana mid ah kuwiisa majaajilada ah.

Farxaan Diraac oo ka hadlay munaasabadda soo dhoweynta ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu caasimada ku soo dhoweeyo saaxiibkiis Basadiir, maadaama uu isagu sabab u noqday in Soomali badan ay bartaan Majaajiliiste Ibraahim Mustafa (Basadiir).

Si kastaba, Basadiir ayaa horey u shaaciyey inuu jeclaan lahaa in mar uun yimaado gudaha Soomaaliya, taas oo hada u suura-gashay, kadib casuumaad uu u fudiyey Farxaan Diraac.