FIQI oo soo bandhigay 9 ‘caddeyn oo muujinaya’ cidda ay ku maqan tahay IKRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa soo bandhigay 9-qoddob oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax oo ay sheegtay Nabadsugida inay geeriyootay, ay ku maqan tahay gacanta NISA.

Fiqi ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu isku dayayo inuu daah-saaro xaqiiqada kiiska Ikraan oo ku maqan saraakiishii NISA, islamarkaana doonayo in qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi iyo qoddobada uu soo bandhigay oo dhameystiran.

Cadaymo marag ma doonto ah in Ikraam ku maqan tahay Hogaanka NISA & Villa Somalia oo u soo tafa-xaydatay ka xaglinta cadaaladda iyo duugista Kiiska Ikraan.

1. Qoraalkii NISA soo galisay barta facebook-ga uu ku leeyahay SNTV oo lagu qiray dhimashada Ikraam, looguna tacsiyeeyey ehelkii Ikraam.

2. 48 saac oo raysulwasaaruhu u qabtay agaasimaha NISA in xogta Ikraam uu ku keeno oo ka dhaqangeli weyday dhanka Fahad Yaasiin.

3. Oday Farmaajo oo arrin aan u oolin soo salooshay iskuna dayay in uu indhaha ka weeciyo kiiska Ikraam asagoo furey buuq siyaasadeed.

4. Agaasimihii NISA oo kiiska Ikraam darteed xilka looga qaaday

5. Farmaajo oo Isku dayey in uu qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam asagoo aan marna qaabilin hooyada Ikraam.

6. Kooxda dilaaga ah ee Shabaab oo si la yaab leh isaga fogaysay dilka Ikraam ee dhankeeda loo soo baasay.

7. Caburin iyo Jirdil lagula kacay dhallinyaro banaanbax ku dalbanaysay in Ikraam ay cadaalad hesho.

8. Baabuurkii gabadha lagu afduubay oo la sheegayo in gobol kale la geeyey si baaritaanka looga qariyo.

9. Farmaajo oo ku gorgortamaya in kiiska guddi loo saaro, lagana daaayo maxkamadda.

Ma dhumayo xaq qofkii lahaa daba-joogo. kiiska Ikraam wuxuu imtixaanayaa maxkamadda gacanta ku haysa in sharcigu uu sarreeyo ama in qofku sarreeyo.