Daawo: Marwada 1-aad oo ballan qaad muhiim ah u sameysay 16 gabdhood

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwada koowaad ee qaranka Qamar Cali Cumar ayaa galabta soo booqatay xarunta gabdhaha agoonta ah ee Boondheere, iyadoo u mahad celisay dowladda Jabuuti oo hir gelisay xaruntaan.

Marwo Qamar ayaa 16 gabdhood oo agoon ah oo sanadkaan dhameystay waxbarashada dugsiga sare waxay u balan qaaday inay ka bixi doonto waxbarashada Jaamacadda.

Maamo Qamar oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in awooda dowladda ay ku caawi doonto gabdhahaan, iyadoo si weyn ugu mahad celisay walaalaha reer Jabuuti, gaar ahaan madaxweyne Ismaaciil Geelle iyo Marwadiisa oo hir-geliyey xaruntaan.

In ka badan kun gabdhood oo agoon ah ayaa wax ka barata xaruntaan oo shaqeyneysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxayna ka kooban tahay heerarka kala duwan ee dugsiyada.

Dufcadii ugu horeysay ayaa sanadkaan ka qalin jebisay dugsiga sare, kuwaas oo maanta Marwada koowaad ee qaranka Qamar Cali Cumar ay balan qaaday inay waxbarashada jaamacadda ka bixi doonto.

Gabdhaha ay Maamo Qamar balan qaaday waxbarashadooda oo dhankooda warbaahinta la hadlay ayaa aad uga mahad naqay sida ay ugu damqatay, isla markaana ay uga jawaabtay kaalin ay baahi weyn u qabeen.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/JUWQKHSMfrI?t=3