Amiirka Al-Shabaab, Abuu Cubayda oo fariin ‘sagootin ah’ usoo diray ATMIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda oo soo saaray fariin ku socota ATMIS ayaa ku dheeraaday fashil militeri oo uu sheegay inuu heysto howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo 15 sano si xariir ah uga socda Soomaaliya.

Abuu Cubayda ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in howlgalka Midowga Afrika uu Soomaaliya ka bixi doono isagoo aan gaarin wax hadaf ah, sida uu hadalkiisa u dhigay, “Waxaa hadda loo sameeyey mudo kordhin. Su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay, ma waxay 15 sano ku qaban waayeen ayay 2 sano gudaheed ku qabanayaan?” ayuu yiri Abuu Cubayda.

Wuxuu ku faanay in kooxdiisu ay aad isaga caabisay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo sheegay in hadda ay Al-Shabaab u diyaar garoobeen in si buuxda ay u fashiliyaan howlgalkaan, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wuxuu soo hadal qaaday duullaankii ay kooxdu bil ka hor ku qaaday xerada ciidanka Burundi ee deegaanka Ceelbaraf, isagoo yiri, “Duulaanadii taariikhda galay waxaa u dambeeyey kii aan ku qaadnay Ceelbaraf, halkaas oo lagu xasuuqay Burundeyska, looguna aaray Muslimiinta deegaannadaas ku nool.”

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda wuxuu hadalkiisa ku aadan ATMIS kusoo gunaanaday, “Waxaan leeyahay huwanta Afrikaanka ah, guuldarradu habeenba nin bay la hoyataa ee ku tusaale qaata jabkii Mareykanka kasoo gaarey Afghanistan. Mareykanka oo in ka badan 100 kun oo ciidan ah iyo 100 kun oo qandaraasleyaal ah u joogeen Afghanistan ayaa ugu dambayntii isaga cararay, isagoo aan guulna soo hoyn, hal hadafna xaqiijin.”