Daawo: Maxaa dhici doonaa haddii Itoobiya ay badda Soomaaliya la wareegto?

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda Soomaaliyaiyo Itoobiya, gaar ahaan damaca Abiy ee badda, kadib wareysi uu siiyay Universal Tv.

Prof. Samatar ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay waligeed ku hamineysay badda Soomaaliyeed, isla markaana qorshahan uu soo socday muddo aad u dheer.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii ay Itoobiya la wareegto badda hadda loo saxiixay inay dhici dhici doono inay kusii darsato qaybo kale oo horleh, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii ay qaybtaan qaadato, waxaa ballana inay qaybaha kale ku darsan doonto, marka damac weyn oo hunguri ah ayaa ku jira” ayuu wareysiga yiri Prof. Samatar

Waxaa kale oo uu yiri “Maanta haddii laga qaato waxaa run noqon doonta maah-maadhii gabyaagii weynaa ee Timacadde, marka waxaa haboon in laga feejignaado”

Senatorka ayaa xusay in dowladihii ka horreeyay Abiy ay horay uga hadli jireen arrintaan, ayna soo jirtay muddo ka badan qarni.

“Damaca Itoobiya ma’aha arrintaasi ee waxaa weeye muddo dheer oo qarni 120 sanadood ayay Itoobiya ku hamineysay inay dhulka Soomaalida iyadu leedahay” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin waddan Afrikan oo deked ku leh dal kale, Itoobiyana ay rabto inay noqoto dalkii ugu horreeyay ee sameeya arrintaasi.

“Ma jiro waddanka Afrikan ah oo wadan kale oo dekad ku leh, balse waxaa jira shirkado aduunka ka shaqeysta oo dekadaha maamula” ayuu mar kale yiri Prof. Samatar

Hoose ka daawo wareysiga oo dhammeystiran:-