Daawo: Maxaa iska bedelay go’aanka aabaha Luul C/Casiis kadib tallaabadii shalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo uu horay u gubay Seygeeda Sayid-Cali Macallin ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabatay dhageysiga kiiskan oo ay shalay gudaha gashay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir.

Aabe Cabdicasiis oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in maxkamadda uu goobjoog ahaa, lana dhageystay labada dhinac xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya Sayid-Cali.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mar kale lagu balamay inay sii socoto maxkamadda, iyagana ay weli sugayaan cadaaladda gabadhooda.

“Maxkamaddii Rafcaanka maanta labada dhinacba way wada-hadleen xeer ilaaliyihii iyo abuukaatayaalkii kale ee uu u doodaayay eedeysane Sayid-Cali, kolley waxaa la yiri muddo kale ayaa la qabanaa marka cadaaladda ayaa weli sugeynaa” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday waxa iska beddelay go’aankiisa, isaga oo sheegay in aani jirin wax isbeddel ah oo ay sugayaan kaliya in la qisaaso eedeysanaha.

“Lacag ma rabo, diyo ma rabno qiasaas ayaan rabnaa” ayuu mar kale ku celiyay Aabe Cabdicasiis Maxamed.

Dhankiisa waxaa warbaahinta u warramay Abuukaate Cali Xalane oo u doodaya Sayid-Cali, wuxuuna sheegay in Rafcaan qaadashadooda ay si wanaagsan usoo bandhigeen.

“Rafcaan qaadashadeennii waa soo gudbinay si xaraka leh ayaan usoo gudbinay, waxaana rajeyneynaa in go’aankaas codsiga ah aan soo gudbinay ay Maxkamadda naga aqabali doonto, kadibna ay go’aan kasoo saari doonto” ayuu isna yiri Abuukaate Cali Xalane.

Qudhiiisa Sayid-Cali oo lagu wareystay Maxkamadda ayaa ka hadlay sababta uu usoo qaatay Rafcaanka, isaga oo ku oodday inuu dhibane yahay, uuna dilin xaaskiisa.

“Sababta aan rafcaanka usoo qaatay mudane guddoomiye ayaa waxa ay tahay in anoo dhibane ah la’igu sheegay nin dilaa ah, waana layga been abuurtay” ayuu ku dooday.

Bil kahor maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali, kadib markii ay caddeysay in lagu helay dilka xaaskiisii.

Kiiska Sayid-Cali waa kii ugu adkaa ee maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeenay waayahaan, waxaana isha lagu wada hayaa halka uu ku dambey doono.