Xog: Abwaan kale oo tegay JILIB kuna biiray Al-Shabaab

Hargeysa (Caaasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya waxaa Al-Shabaab isku dhiibay Abwaan Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaano (Jeesto) oo kamid ahaa dhalinyarada kasoo jeeda gobollada waqooyi, gaar ahaan magaalada Hargeysa, kaas oo muddooyinii dambe joogay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Abwaanka ayaa la waayey dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay, balse waxaa lasoo wariyay inuu tegay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay gacanta ku hayso Al-Shabaab, uuna kuu biiray kooxdaas, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ninkaasi dhalinyarada ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegay in Abwaanka uu ka baxsaday magaalada Muqdisho, ugu dambeyna uu gaaray magaalada Jilib, ayna kusoo dhaweysay kooxda Al-Shabaab.

Sheekada ku saabsan Abwaan Maxamuud Jeesto inuu aaday dhulka Al-Shabaab ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta oo aad u hadal hayo arrintaasi.

Waxaa horay ninkan inta uu joogay Muqdisho u xiray hay’adda NISA, kadib tuhuno soo galay isaga oo loo haystay markaas inuu baraha bulshada ka taageeray kooxda Al-Shabaab, balse waxaa lagu sii daayay damiin, isaga oo ugu dambeyn aaday dhanka Jilib.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlada Soomaaliya oo ku aadan warka ku saabsan ku biirista Abwaan Jeesto ee Shabaab.

Ninkan ayaa u muuqdo inuu maray waddadii uu qaaday Abwaan Negeeye khaliif oo isna Hargeysa kasoo jeeda, isaga oo ku biiray kooxda Al-Shabaab, markii uu ugu tegay Jilib.

Nageeye ayaa inta uusan ku biirin Al-Shabaab ahaa Abwaan caan ka ah gayiga Soomaalida, sidoo kale na Macallin ka ahaa Jaamacadda Ummadda, taas oo dad badan la yaab ku noqotay.

Dhowr jeer ayay hor ayay dhacday in rag kasoo jeeda gobolada waqooyi ama Somaliland ay isku dhiibeen kooxda Al-Shabaab, waxaana Abawaan Nageeye iyo Abwaan Maxamuud Jeesto kasii horreeyay Sheekh Aadan Sunne, Cabbdiwaaxid Cali Gamaadiid iyo rag kale.