Booliska oo sheegay sababta loo xiray Hanad ‘waa-gariiray’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ee gobolka Banaadir ayaa xalay soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamed oo loo yaqaano (Waa Gariiray), kaas oo kamid ah dhalinyarada isticmaala baraha bulshada.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Hanad Waa Gariiray ay soo xireen ciidanka, iyaga oo gudanayo waajibaadkooda ilaalinta sharciga.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhiga Boliiska Hodan oo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamed(Waa Gariiray)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu baraha bulshada ku faafin jiray muuqaallo anshax darro ah, isla markaana sidaas loo soo xiray, si tallaabo looga qaado.

“Waxaana loo xiray in Bilihii Lasoo dhaafay uu Bulshada ku baahineyay muuqaalo anshax xumo ah oo uu aad ugu baahinayay baraha bulshada” ayaa lasii raaciyay.

Booliska wuxuu intaasi kusii daray in eedeysanaha lala aadi doono dhanka sharciga, isla markaana ay ka hortegi doonaan cid kasta oo dhibaato ku ah dhaqanka bulshada.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxay ka qaadidoonaa tilaabo sharciga waafaqsan cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska booliska.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Hadii aad lakulanto wax lidi ku ah Amaanka Guud ama mid shaqsi ah la soo xariir Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed 991,”.

Waa Gariiray ayaa horay baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok ugu baahiyay muuqaallo uu xiran yahay dharka dumarka iyo isaga oo sameynayo waxyaabo kale oo anshax darro ah, taas oo ay dad badan dhibsadeen waxayna soo dadajisay inay soo xiraan ciidanka Booliska.

Horay sidaan oo kale booliska ayaa usoo xiray dad caan ka ah baraha bulshada, waxaana ugu dambeeyay lamaanaha Cabaas iyo Faa’iso iyo gabar kale oo lagu magacaabo Bishaaro Balaayo oo iyaguna lagu eedeeyay inay sameeyeen anshax xumo, balse la sii daayay.