Sawirro: Ujeedka munaasabad heer sare aheyd oo xalay ka dhacday VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa xalay ka qabsoomtay munaasabad heer sare ah oo lagu maamusay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ku guuleystay Billadda Qalinka ah ee tartanka orodka 5000 mitir ee ciyaaraha guud ee Qaramada Afrika.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo dhiiri-galinaya Orodyahan Cabdullaahi Jaamac ayaa sidoo kale ku maamuusay Billadda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha taariikhiga ah ee uu usoo hooyay dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa uu ku ammaanay Orodyahanka sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu matalay dalkiisa, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay.

“Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid yahay Xiddigaha usoo iftiimaya Qaranka. Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in Cabdullaahi gaari doono hiigsigiisa waqti dhow si la mid ah halyeey Cabdi Bile Cabdi, waxa ayna dowladdiisu ku abaalmarindoontaa wax kasta oo ay awooddo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dhiiri-galinta iyo taageerada halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, si mustaqbalka dhow uu guulo ka sarreeya middan ugu soo hooyo Qaranka.

Orodyahan Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa guul taariikhi ah usoo hooyay Soomaaliya, isagoo kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000M ee ciyaaraha guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay mudnaan siinayso horumarinta ciyaaraha, ayna dhisayso kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda.