ERDOGAN oo ay booqasho naadir ah uga bilaabatay dalka…

Baghdad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho naadir ah ku tegay dalka ay deriska yihiin ee Ciraaq, ayada oo biyaha, shidaalka iyo amniga gobolka ay yihiin ajendayaasha ugu weyn.

Erdogan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey 21 madaafiic salaan ah oo laga riday garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baghdad, halkaasi oo uu ku qaabilay ra’iisul wasaare Mohamed Shia al-Sudani.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa inuu magaalada Baghdad kulamo kula yeesho Sudani iyo madaxweyne Abdel Latif Rashid, kahor inta aanu booqan saraakiisha Arbil, oo ah caasimadda gobolka is-maamulka woqooyi ee Kurdistan.

“Ciraaq iyo Turkey waxay wadaagaan taariikh waxayna leeyihiin isu ekaansho, dano iyo fursado, laakiin sidoo kale dhibaatooyin,” ayuu Sudani yiri mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday Golaha Atlantic ee magaalada Washington oo uu dhowaan booqday.

“Biyaha iyo amniga ayaa ah ajandaha ugu sarreeya,” ayuu yiri mar uu ka hadlayay kulanka Erdogan, oo markii ugu dambeysay booqday Ciraq 2011.

Safarka ayaa imanaya ayada oo ay aad u kacsan tahay xiisadda gobolka ee ka dhalatay dagaalka Israel iyo Xamas ee Marinka Gaza iyo weeraradii ay is-weydaarsadeen Israel iyo Iran.

Farhad Alaaldin, oo ah la-taliyaha arrimaha dibedda ee Sudani, ayaa u sheegay AFP in qodobada ugu weyn ee Erdogan uu kala hadli doono saraakiisha Ciraaq ay ku jiraan “maal-gelinta, ganacsiga… wada-shaqeynta amni ee labada dal, maamulka iyo biyaha iyo kheyraadka biyaha.”

Alaaldin ayaa filaya saxiixyada heshiisyo is-afgarad oo dhowr ah inta lagu guda jiro booqashada.

Wadaagga kheyraadka biyaha ayaa ah qodob xasaasi ah, oo ay isku hayaan labada dal, ayada oo Baghdad ay aad uga soo horjeedo biyo-xireenada ay Turkey ka sameysay wabiyada ay wadaagaan ee Tigris iyo Yufratis, kuwaas oo sii xumeeyey biyo yaraanta Ciraaq.

Erdogan ayaa sheegay in arrinta biyuhu ay noqon doonto “mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan” ee booqashadiisa ka dib “codsiyo” ay sameeyeen mas’uuliyiinta Ciraaq.

“Waxaan ku dadaali doonnaa sidii aan u xallin lahayn arrintaas, taasi sidoo kale waa rabitaankooda,” ayuu yiri.