25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Daawo: Maxaa maanta kala qabsaday Muuse Suudi iyo Cabdiraxmaan Faroole?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka wada tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayay ka dhex-tafatay, kadib dood kulul oo ku dhex-martay kulankii maanta ee Golaha.

Weerarka waxaa bilaabay Cabdiraxmaan Faroole oo ku hadal qabsaday Muuse Suudi, isaga oo sheegay in labadooda ay ugu da’wayn yihiin Golaha, balse waxaa taasi ka biyo diiday Muuse oo isna kadib jawaab bixiyay.

“Muuse Suudi baa halkan cirro cad waxaan u maleynayaa in uusan waxba iga yareyn waa u joogay inta aan anigu u joogay,” ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Senator Muuse Suudi oo hadalka ka daba qaatay ayaa isna weerar cad ku qaaday Faroole, wuxuuna ku eedeeyay inuu yahay ninka khalday dastuurka uu maanta muranka ka taagan yahay.

Waxaa kale oo usoo jeediyay inuu qirto dambigiisa, maadaama intii uu hayay xilka Madaxweynaha Puntland uu sameeyay khaladaad badan, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole dastuurkaan ninkii khalday isaga waayey, ninkii magaalo aan lala daganeyn oo kaligiis wexeeda iska cuna ka yimid ee raba inuu Xamarna wax ka cuno Alxamdulillaah ha dhaho hana aamuso” ayuu yiri Muuse Suudi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qofka dmabigeeda inay qirato aa la rabaa inay nadiif iska dhigto oo iyadu wax kusoo jeesato lama rabo horta eeddaas ha qaato”.

Marar badan ayay dhacday in sidaan oo kale ay Sanatorada dhexdooda isugu jawaabeen, waana marka ay jiraan doodaha waa wayn ee taabanaya siyaasadda guud ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News