Daawo: Maxaa kasoo baxay shirkii deg degga ahaa ee golaha wasiirada ee caawa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa waxa ay Muqdisho ku yeesheen Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda amniga dalka.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa warbixin looga dhagaystay guddiga amniga ee dhawaan  uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u magacaabay in ay kasoo talo bixiyaan qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA).

Waxaa shirkan ka maqnaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo isku diyaarinaya safar uu ugu amba baxayo dalka Mareykanka dhowaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Aadan Isxaaq ayaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii kasoo baxay shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com