Wararkii ugu dambeeyay kulanka baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal C/raxmaan uu muddo saacad ah uu u kordhiyay xildhibaanada baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaan wali buuxin kooram baarlamaanka uu ku furmayo, waxaana wararka ay sheegayaan 54 xildhibaan ay tageen waqtiga rasmiga ee lagu balamay kulanka maanta, waxaana hadda sii kordhaya xildhibaanada.

Guddoomiye Mursal ayaa muddo hal saac ah ugu daray xildhibaanada maqan inay ku tagaan xarunta golaha shacabka si loo gaaro kooramka uu ku furmayo kulanka golaha shacabka.

Wali ma uusan furmin kulanka baarlamaanka, waxaana socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee u ku furmi lahaa kulanka maanta oo ka duwan kulamadii hore ee baarlamaanka.

Waxaa markii ugu horeysay tagaya wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo taliyaasha ciidamada qalabka sida si wax looga weydiiyo arrimaha amaanka dalka gaar ahaan Muqdisho.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in la isku raacay bahda warbaahinta in xildhibaanada ay cod u qaadaan inay ku dhexjirayaan xarunta in kulanka uu socdo iyo inay banaan joog ka ahaan doonaan.

Inta badan xildhibaanada dalbaday u yeeritaanka wasiirada xukuumadda ayaa ku sugan hoolka baarlamaanka uu ku shirayo.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com