Daawo: Maxaa laga filan karaa hay’adda NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa dhawaan yeelatay hogaan cusub, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay inuu dalka hoggaamiyo afarta sano ee soo socota.

Hay’adda ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana isbedelkan uu yimid xilli eedeymo culus ay wajahayaan madaxdii hore ee hoggaanka Nabad Sugidda Soomaaliya.

Maxaa laga filan karaa hay’adda NISA?

Danjire Maxamed Axmed Caalin oo si aad ah u falanqeeya xaaladda Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka Universal kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan dhismaha hay’adda NISA, shaqadeeda iyo waxa laga filan karo afarta sano ee soo socota.

Caalin ayaa shaaca ka qaaday in NISA laga filayo inuu ku yimaado isbedel dhanka maamulka iyo shaqada ah, gaar ahaan in aysan ku milmin siyaasadaha is diidan.

Danjiraha ayaa xusay inay muhiim tahay in hay’addu ay ku shaqeyso sharciga oo aysan ka shaqeyn danaha madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

“Hay’adda waxaa laga filan karaa inaanay siyaasadda ku dhex-milmin oo aanay noqon inay ka shaqeyso danaha madaxda dowladda ama inay aragti Diini ku shaqeyn, hay’addu waa inay ku shaqeysaa, sida sharciga ah, sida ay maxkamadaha u shaqeeyaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ay shaqadeeda tahay amniga dadka shacabka ah iyo sidoo kale ilaalinta madaxda qaranka.

“Hay’adda inay ku ekaato amniga shacabka Soomaaliyeed iyo amniga madaxda qaranka in la ilaaliyo oo aanay noqon hay’ad fikir ka tarjunta,” ayuu sii raaciyey Caalin.

Dhinaca kale wuxuu intaasi ku daray inuu ka rajeynayo dowladda cusub in la ballaariyo hay’adda NISA, sidoo kalena gaarsiiyo maamul goboleedyada dalka.

“Hay’adda waxaan ka rajeynayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in hay’adda la ballaariyo oo maamul goboleedyad la geeyo,” ayuu markale yiri Danjiri Caalin.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo isbedel guud uu ka dhacay dalka, kadib doorashadii 15-kii May, kaas oo gaaray hay’adda NISA oo yeelatay hoggaan cusub, waxaana loo dhiibay Mahad Salaad oo mudo soo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federalka Soomaaliya.