Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo wareysi bixiyay ayaa si adag uga hadlay kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud oo horay maxkamadaha dalka ugu xukumeen dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inuu gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, isaga oo meesha ka saaray beenta la faafiyay
Baashe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in go’aanka maxkamadaha uu sidiisii yahay isla-markaana dil lagu xukumay Sayid-Cali, haddana uu sugayo fulin oo kaliya.
“Sida aad ka war haysaan saddexda maxkamadood ee kala ah maxkamadda gobolka Banaadir, maxkamadda Racfaanka iyo maxkamadda Sare go’aan isku mid ah ayay kasoo saareen kiiska Sayid-Cali dhammaantoodna waxay ku heleen dambiga ah inuu gaystay dil oo uu gubay xaakiisa waxaana lagu xukumay dil toogasho” ayuu yiri guddoomiye Baashe.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hadda Sayid-Cali uu ku xiran yahay xabsiga dhexe, wuxuuna xaqiijiyay in aanu ka bixinin xabsiga, wararka la faafiyayna ay yihiin been abuur.
“Hadda waxa uu ku jiraa xabsiga, mana bixi karo, kaliya waxa uu sugayaa fulinta xukunka ay maxkamadda gaartay”, ayuu mar kale yiri guddoomiyaha maxkamadda sare.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Warka sheegaya inuu baxay warkaasi war sax ah ma ahan, qof xukuman oo maxkamadi xukuntayna dabcan xabsiga kama bixi karo”.
Hadalkan ayaa gebi ahaan meesha ka saaraya warar aad u faafay oo ku aadanaa in lasii daayay Sayid-Cali, kadib muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, kaas oo hadda beenoobay, waxaana ka dhashay hadal-heyn xooggan.
Kiiska Luul Cabdicasiis ayaa ahaa mid xasaasi ah oo dhaliyay saameyn aad u wayn, kadib markii uu saygeeda oo hadda xiran uu nolosha ku gubay, kaas oo isna dil lagu xukumay.
Si kastaba, waxaa hadda kaliya la sugayaa fulinta xukunka oo aad u daahday, maadaama maxkamadaha dalka ay horay go’aan kama dambeys ah uga gaareen arrinta Sayid Cali.