Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa baahiyey muuqaalka xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la duqeeyay, iyaga oo ku dhuumaaleysanayo qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland.
Muuqaalka ayaa muujinayo gantaal culus oo ku dhacaya xubnaha oo ka firxanaya buuraha hoostooda, halkaas oo lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii joogay goobta.
Aqalka Cad ayaa soo bandhigay diyaaradaha Mareykanka oo toos u duqeynaya kooxda Daacish, mana jirin cidna ka baxsan intii wada socotay ee bartilmaameedka ahayd ee ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyntan oo maalmo kahor ka dhacday halkaasi.
Qoraal kooban oo uu Aqalka Cad raaciyay muuqaalka uu baahiya ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay in duqeyntaas lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka argagixisada ah, welina ay sii wadi doonaan beegsi lagu hayo maleeshiyada Daacish.
Mareykanka ayaa qayb ka ah howlgallada ka socda gobolka Bari, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka adag kula jira kooxda Daacish.
Ujeedka duqeymaha Mareykanka ayaa la xiriiro sidii loo cuuryaamin lahaa kooxda, loona burburin lahaa saldhigyada ay ku leeyihiin buuraha hoostooda ee gobolka Bari.
Xaaladda deegaannada la duqeeyay ayaa weli kacsan, waxaana kusii siqaya ciidamada Puntland oo qorsheynaya inay gaaraan godadka ay ku dhuumaaleysanayaan Daacish.
Weerarkii ugu dambeeyay oo cirka ahaa ayaa waxaa maalin kahor lagu khaarijiyay madixii kooxda Daacish u qaabilsanaa arrimaha dibadda iyo keenista ajaanibta, kaas oo lagu magacaabo Axmed Muuse Siciid (Axmed Beeldaaje).
Hoggaamiyaha la dilay ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland, gaar ahaan gobolka Bari, laakiin wuxuu wax kusoo barbaaray dalka Imaaraatka Carabta, halkaasi oo uu wax kusoo bartay, sidoo kalena uu ka abuurmay xiriirada uu la lahaa shabakado dibadeed, taasi oo ka dhigtay shakhsi aad muhiim ugu ahaa kooxda Daacish.
Si kastaba, howlgallada culus ee haatan ka socda Puntand ayaa gabagabo ku dhow, waxayna ciidamadu ku xoreeyeen dhul ballaaran oo ka tirsan buuraleda gobolka Bari.
We haven’t forgotten the threat posed by Jihadis. 10 more were permanently removed from the battlefield in Somalia yesterday.
That brings the total to over 100 bloodthirsty terrorists killed since President Trump was sworn in.
WWFY/WWKY: We will find you, and we will kill you. pic.twitter.com/Hw0VlvmiaY
— The White House (@WhiteHouse) May 20, 2025

