Daawo: Mowqifka Culimada ee habraaca doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay ka hadlay habraacyada doorashada ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka, oo dhaliyey khilaaf siyaasadeed oo hor leh.

Sheekh Soomow oo warbaahinta ka hor aqriyay bayaan kasoo baxay Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay culimada ay go’aansadeen inay taageeraan oo ay ayidaan baaqii Salaadiinta Soomaaliyeed ee lagu samatabixinayo dalka, si loo gaaro doorasho xasiloon, kaasi oo looga horyimid habraaca doorashada.

“Waxaa ugu baaqeyna Ra’iisul wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadda ayagu mas’uul ka ah doorashooyinka inay dhageystaan oo ay qaatan tallada Salaadiinta, oo lagu tixgeliyo waxa ay xaqa u leeyihiin,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

“Doorashada dalka waxay weli ku socota 4.5, maadama weli qabiil la dhex dabaalanayo waxaa u baahanahay in dadka kuligiis la qanciyo, waxaan leenahay hala dhageysto oo ha la qaato tallada Salaadiinta, gacana ha lagu siiyo gudashada waajibkooda.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay Sheekh Soomow oo ku hadlayey afka Culimada Soomaaliyeed in madaxda ka fogaadaan waxkasta oo musuq-maasuq iyo kala shaki keeni kara, taasi oo keeni in doorashada lagu kalsoonaan.

“Waxaa rabnaa haddaa nahay Culimada Soomaaliyeed in doorashada noqoto mid xalaal ah oo hufan oo lagu kalsoonaan karo, taasina waxa uu waajib ka saaran yahay madaxda dowlad goboleedyada, guddiga iyo ergada soo xuleysa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in meesha laga saaro lacagaha la siinayo ergada soo xuleysa mudaneyaasha Golaha Shacabka, si ay u xulaan shaqsiyaad gaar ah, taasi oo qeyb ka ah musuq-maasuq, sida uu sheegay.