Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dadaallo nabadeed oo lagu xallinayo xiisad u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaallamay deegaan ka tirsan gobolkaasi.
Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Madax-lagu-xoor ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray dadka rayidka ah, iyadoo sidoo kale ay jirto cabsi laga qabo in colaaddaasi sii fiddo haddii aan si degdeg ah loo xakameyn.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in labada dhinac ay isku hayaan muran la xiriira dhul iyo deegaanno, kaas oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay. Xiisadda ayaa la sheegay inay ugu dambeyn isku beddeshay dagaal hubeysan oo si weyn looga dareemay deegaannada ku dhow halka uu ka dhacay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in inta badan qoysaskii ku noolaa deegaanka Madax-lagu-xoor ay halkaasi ka barakaceen, kadib markii ay ka cabsi qabeen in dagaalladu dib u qarxaan. Dadka barakacay ayaa u kala firxaday deegaanno kale oo ka tirsan gobolka.
Dhanka kale, waxaa socda waan-waan iyo dadaallo nabadeed oo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, kuwaasi oo isku dayaya in labada dhinac la kala qaado si loo gaaro xabbad-joojin degdeg ah.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in maamulka Waqooyi Bari uu bilaabay dhaq-dhaqaaqyo lagu abaabulayo kulan ay isugu imanayaan duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si xal waara loogu helo colaadda ka taagan deegaankaasi.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari oo ku saabsan dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, hase yeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu maamulkaasi ka hadlo xaaladda iyo tallaabooyinka uu qaaday.

