Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa beegsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaan Ilhan Omar intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada ee Arbacadii, isagoo ku celceliyay sheegashooyin been-abuur ah iyo hadallo kicin ah oo ku saabsan bulshada Minnesota, xilli maamulkiisu uu sii wado olole ballaaran oo ka dhan ah socdaalka.
Trump ayaa muhaajiriinta Soomaaliyeed ku tilmaamay “tuugo”, wuxuuna si gaar ah u xusay Ilhan Omar, oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah oo laga soo doorto Minnesota, asalkeeduna Soomaali yahay, sida ay sheegtay NBC News.
“Soomaalida, waxa ay ku sameeyeen Minnesota, Soomaalida, waa tuugo aad u xun. Ilhan Omar waa tuug aad u xun,” ayuu yiri Trump. “Dhammaantood waa tuugo, waana qabanay, waana qabanay. Hadda waxaan saaraynaa cadaadis xooggan,” ayuu yiri Trump, isagoo sii laba-jibbaaray weerarradiisa intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada ee Arbacadii.
Ma cadda waxa uu ku eedeynayay Ilhan Omar. Af-hayeen u hadlay Omar ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka falceliyo eedeymaha Trump.
Kadib hadalladiisii ku saabsanaa Soomaalida, Trump ayaa ku faanay shaqada maamulkiisu qabtay toddobaadkii hore, taasoo lagu soo xiray dad dheeraad ah oo lagu eedeeyay lunsashada hantida dadweynaha gudaha Minnesota.
Trump ayaa u muuqda inuu aad u hadal hayay Soomaalida ku nool gobolkaas tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in sannadkii hore tobannaan qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya lagu xukumay khiyaanooyin la xiriiray barnaamijyadii gargaarka Covid-19, kuwaasoo lagu lunsaday lacag ka badan $1 bilyan oo doolar.
Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP), oo soo xiganaysa xog laga helay xafiiska xeer-ilaalinta federaalka ee Minnesota, ayaa sheegtay bishii Diseembar in 82 ka mid ah 92 qof oo ilaa xilligaas lagu soo eedeeyay khiyaanadaas ay ahaayeen Soomaali-Mareykan.
Hadalkan ayaa imaanaya kadib dhowr bilood oo ay sii kordhayeen weerarrada ka dhanka ah Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota, oo hoy u ah bulshada Soomaalida ee ugu weyn dalkaas. Trump ayaa marar badan bulshadaas u sawiray inay qeyb ka yihiin dhibaatooyin la xiriira musuqmaasuq iyo khiyaano, isagoo arrintaas ku xiray dadaalkiisa ku aaddan in meesha laga saaro badbaadada muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo in la xoojiyo sharci-fulinta gobolkaas.
Soomaalida Mareykanka ayaa dhistay joogitaan siyaasadeed iyo mid bulsho oo muuqda gudaha Minnesota tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay bishii Janaayo in weerarrada dowladda ee ka dhanka ah muhaajiriinta iyo cadaadiska federaalka ay hore cabsi ugu abuureen dadka deegaanka, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maxalliga ah ay Aqalka Cad ku eedeeyeen inuu sharciga u adeegsanayo hanjabaad ka dhan ah bulsho si weyn ugu firfircoon siyaasadda.
Hadalladan kulul ayaa sidoo kale imaanaya xilli Trump uu sii xoojiyay weerarrada uu ku hayo Omar, oo inta badan bartilmaameed u ahayd dhaleeceyntiisa. Trump ayaa bishii Diseembar ku tilmaamay “qashin”, wuxuuna sheegay inuu doonayo in Soomaalida dalka laga saaro.
Dad badan ayaa ka cabsi qaba in luuqaddan ay sii qoto-dheereyso welwelka ka jira xaafadaha Soomaalida, isla markaana ay caadi ka dhigto cadaawadda guud ee loo qabo muhaajiriinta.
“Madaxweynuhu mar kasta wuxuu lahaa hadallo aad u midab-takoor ah, naceyb shisheeye iyo Islaam-nacayb xambaarsan marka ay timaaddo dadka Muslimiinta ah ama dadka madow,” ayay Omar u sheegtay warbaahinta. “Waxaan aragnay isagoo ku tilmaamaya waddamada Afrika inay yihiin meelo wasakh ah (shitholes), sidaas darteed tani maahan wax lala yaabo.”
Waxaa jira qiyaastii 80,000 oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo ku nool Minnesota, sida ay sheegtay Wilder Research, oo ah hay’ad madax-bannaan oo cilmi-baaris ku sameysa magaalada St. Paul.

