Daawo: Musharax JABRIIL IBRAAHIM oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah murashaxiinta ugu tunka weyn doorashada 2021 ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay siyaasiyiin, dhalinyaro, bulsharada rayidka ah iyo haweenka magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimayay waxaa shacabka Gobolka Banaadir ay safnaayeen aafafka hore ee waddada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Murashax Jabril oo saxaafadda kula hadlay Hotel Royal Palace ayaa sheegay in uu maalmaha soo socdo si rasmi ah ugu dhawaaqi doono in uu yahay murashax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Jabril Cabdulle ayaa ku nuux nuuxsaday in loo turo shacabka Soomaaliyeed isagoo dowladda iyo  mucaaradkaba ka codsaday in la yareeyo hadallada xanafta leh ee keeni kara in colaad sokeeye dib loogu noqdo.

Wuxuu ballan qaaday in uu awoodda dowlanimo ku soo celin doono shacabka haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweyne, uuna dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Jabril Cabdulle oo ka mid ah murashaxiinta dhalinyarada ah ee isku soo taagaya xilka sare ee Madaxweyne, ayaa aqoon durugsan u leh dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaagga, wuxuuna la soo shaqeeyay dhammaan dowladahii ku meel gaarka ahaa tan iyo sanadkii 2004.

Jabril oo madax ka soo noqday hay’adda CRD ayaa lagu xusuustaa dib u heshiisiintii uu ka sameeyay gobolada dalka intii aay jirtay burburkii dowladnimo, waana aasaasihii ururada bulshada ee ka jira dalka.