Xog: DF oo jartay waaran lagu soo xirayo Jeneral Xuud

Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay waaran soo qabasho ah u jartay Jeneral Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano Xuud, kaas degaanka Ceel-gaal ee gobalka Hiiraan ku haysta maleeshiyo tobaneeyo ah.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in booliska iyo melitariga gobalka Hiiraan lagu wareejiyay warqada amarka soo qabashada ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka la amray in ay xoog ku soo qaban karaan isaga iyo ciidankiisa haddii ay diidaan inay isa soo dhiibaan, ayada oo aan loo haysan wixii dhib ah ee halkaas ka yimaada ee ka dhashay amar diidada.

Jawi colaadeed oo xoog leh ayaa laga dareemayaa guud ahaan gobalka Hiiraan, gaar magaalada Beladweyne oo ay ku dhowaadeen maleeshiyadaan oo mudooyinkaan isku hub aruursanayay degaanka Ceel-gaal.

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame oo ka tirsanaa musharaxiintii xilka Madaxweynaha HirShabeelle ayaa diidan doorashadii dhacday waxa uuna ku baaqay dagaal ka dhan ah HirShabeelle.

Tallaabooyinka uu qaaday Xuud ayaa horseeday in laba goor uu baaqdo safar uu magaalada Beledweyne ku tegi lahaa madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mucaaradada Jeneral Xuud ay lacag iyo dhiiri-gelin ku bixinayaan qaar ka mid ah dadka miisaanka ku dhex leh beesha uu kasoo jeedo, oo diidan inay weysay kursigii madaxweyne ee HirShabeelle.