Daawo: Musharax u taagan kursiga uu rabo FAHAD oo ku duceystay in lasoo diro Malaa’ikta dagaalkii Badar

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax sheegay inuu u tartamayo kursiga HOP#086 oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in doorashada kursigaas lagu gudbay caqabado hor leh.

Musharax Khaalid Muxumad Gaabane ayaa sheegay in kursiga uu isku taagay si gaar ah loogu xiray La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, si loogu boobo kursigaana musharaxiinta kale laga hor istaagayo inay isku diiwaan-geliyaan kursigaas.

“Waxaa u taaganahay kursiga HOP#086 oo la rabo in si gaar ah loogu boqro nin aan qaraabo nahay oo Fahad Yaasiin ah, waxaana loo soo maraya qeyb kamid ah maamulka HirShabelle iyo guddiga doorashada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Fahad Yaasin uu diyaarsaday ciidamo uu ka dhiganayo ergada soo dooranaysa kursiga, ayada oo laga hor istaagay in wax tashi ah laga geliyo kursigaas beesha iska leh.

“Waxaa ognahay in dadka u sharaxa kursigaan oo reerkayga ka tirsan, marka laga reebo Malxiiska in ayaga laga hor istaago waraaqda dambi baarista iyo shahaadada qaadashadeeda (musharaxnimada), si looga hortago qalad kasta oo suurta-gal ka dhigi kara inay ka dhacdao doorasho.”

“Malakul Jibriil iyo Malaa’iktii dagaalkii Badar ka qeyb gashay in Ilaaheey noo soo diro ayaan rajo ka qabnaa,Fahad Yaasiin waxa uu diyaarsaday Ciidan gaar ah iyo ergo gaar ah kursiga Hop086 waa la afduubtay.”

Waxa uu sheegay inuu u badheedhayo khatar kasta oo uu ku wajahayo tartanka kursigaas, oo kamid ah kuraas ku jirta qorshaha xasaanad u helida saraakiisha NISA.

Musharax Khaalid ayaa ugu dambeyntiina sheegay inuu u duulayo magaalada Beledweyne, si uu uga qeyb-galo kursiga si gaar ah loogu xiray Fahad Yaasiin, islamarkaana ugu hiiliyo cadaalada, sida uu sheegay.

Si kastaba, waxaa saacadihii u dambeeyay isa-soo tarayay qeylo-dhaanta ka taagan kursiga sumadiisu tahay HOP#086 oo si gaar ah ugu xiran Fahad Yaasiin, ayada oo la soo warinayo in uu xareystay Nabadoonkii rasmiga ahaa ee kursigaas saxiixay doorashadii 2016-kii.