Daawo muuqaal fool-xun: Qaabkii loo qaarijiyay gaangiska Islii ee uu ku jiray wiil Soomaaliyeed

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu dilay dhalinyaro gaangis oo kasoo kala jeeda dalalka Ethiopia iyo Somalia.

Dilka dhalinyaradaani ayaa ka dhacay meel fagaaro ah, waxaana dilka fuliyay Ciidamada Kenyaatiga garabka la dagaalama bucadda ee loo yaqaan Flying Squad ee qaabka dharcadka ku hawlgala.

Dilka ayaa ka dhacay bartamaha xaafadda Islii, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Suuqa 1-aad ee Islii, suuqyada Amal iyo Taysir.

Labada burcad ee la dilay ayaa mid kamid ah kasoo jeeda dalka Ethiopia, gaar ahaan Qowmiyada loo yaqaan Oromada, halka Burcadka kale uu ahaa mid kasoo jeeday Somalia.

Dilka labadaani dhalinyaro ayaa soo degdegay kadib markii labadii maalin ee ugu danbeysay ay boob baahsan ku hayeen dadka ku ganacsada Suuqa Isli.