Sawirro: Muqdisho oo lagu gubay Raashaani lagu sumeynaayay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu gubay Raashiin la sheegay inuu dhacay wakhtigiisa kaa oo laga soo uruuriyay Suuqyada magaalada Muqdisho.

Raashiinka la gubay ayaa isugu jira buskut, Nacnac, shukulaato Iyo Daawooyin kala duwan, oo si khaldan looga iibinaayay shacabka magaalada Muqdisho.

Raashiinkaani la gubay ayaa waxaa horboodaayay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in cadadka la gubay ay ka badnaayen Raashiinka.

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu iibiyaa Raashin dhacay, iyadoo ay sababtu tahay mid ay ka gaabiyeen dhinacyada ku shaqada leh la socodka tayada Raashiinka ee maamulka Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa inta badan guba waxyaabaha daroogada iyo cuntooyin dhacay ee dalka la keeno.