Daawo: Muuqaal qarsoodi ah oo muujinaya dhibta ay safaarada Malaysia ku heyso Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka ay ardayda iyo Jaaliyada Soomaalida ku nool dalka Malaysia kala kulmayaan maamulka Safaarada Somalia ee dalkaa.

Maamulka Safaarada oo uu ugu horeeyo Danjiraha dowlada Somalia u fadhiya dalkaasi ayaa handhaqan aan wanaagsaneyn kula dhaqma Ardayda iyo Jaaliyada kuwaa oo inta badan aan lacagtooda ku helin warqadaha ay xaqa u leeyihiin ee aqoonsiga.

Dhibaatooyinka ay ardayda kala kulmaan Safaarada ayaa isugu jirta Sameynta aqoonsiyad oo lagu dhibo, Baasaboorada iyo in Safaaarada ay ka caga jiido xalinta dhibaatooyinka Soomaalida ku qabsada dalka Malaysiya.

Muuqaal qarsoodi ah oo laga soo duubay Danjiraha Somalia ee dowlada u fadhiya dalkaasi ayaa muujinaaya ixtiraam la’aan uu kula dhaqmaayo Hooyo Soomaaliyeed oo Safaarada u doonatay warqado.

Danjiraha ayaa Hooyadaasi ugu goodinaaya in banaanka uu uga saarayo Saafarada haddii ay joojin weydo dhaliilo dhanka lacagaha laga qaadayo ay ka muujisay.

Dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Diabadda Somalia ayaa inta badan Safaaradaha ku koontaroolin shaqooyinka ay u hayaan shacabka, waxaana xiliyada qaar dhaca in Safaarada ay Muwaadiniin ku dirto dowlada ay martida u tahay taa oo sababta in Muwaadiniintaasi la tarxiilo.

Danjirayaasha qaar ayaan garaneynin sababta loogu magacaabay xilalka Safiirnimo, waxaana xusid mudan in danta shacabka ay ka hormariyaan tan gaarka u ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAAL QARSOODI AH OO LAGA SOO DUUBAY SAFIIRSA SOMALIA EE MALEYSIYA