Wasiirka kalluumeysiga oo shalay la kulmay shirkad maal-gashi ku sameysan doonta kalluunka dalka

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Hon Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa xafiiskisa maalinnimadii shalay ahayd ku qaabilay madax ka socota hay’adda South Specific Agriculture Group Limited (SPAGL).

Hay’addan oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa ugu yimi Wasiirka in ay kala hadlaan arrimo ku saabsan sidii ay u maalgashan lahaayeen Kalluunka Soomaaliya iyo waliba sidii ay suuq geyn ugu sameyn lahaayeen.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Wasiirka Kalluumeysiga ayaa qaatay saacado kaas oo ay labada dhinacba ku gorfeeyey waxyaabo badan oo la xiriira sidii ay hay’addu wada shaqeyn buuxda ula yeelan lahayd Wasaaradda.

Sida ay Caasimadda Online ka soo xiganeyso ilo ku dhaw xafiiska Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, kulanka waxa mid horudhac ah oo u gogol xaadhaya fursado maalgashi iyo waliba suuq geyn kalluunka Soomaaliya.

Tan iyo markii uu xilka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraad-ka Badda la wareegay Cabdullaahi Bidhaan Warsame waxa ay wasaaradda ku dhaqaaqday guulo waa weyn halka uu si xawlo ah u korayo xiriirka hay’adaha caalamka iyo Wasaaradda.

Dhawaan ayaa la filayaa in Wasaaradda Kalluumeysiga ay bixiso shatiyadii ugu horreeyey ay hay’adda caalamiga ah kaga kalluumeysan karaan Baddaha Soomaaiya.