Maxaa kasoo baxay shirkii madax goboleedyada iyo beesha caalamka? (Aqri)

Nairobi (Caasimada Online) – Shir shalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay isku soo hor fariisteen Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa ay la qaateen xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa si wayn waxaa diirada loogu saaray arrimaha ku aadan Khilaafka dowladda Federalka Somaliya iyo madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Madaxda Maamul Goboledyada ayaa xubnaha Beesha Caalamka u gudbiyay cabashada ay ka qabaan dowladda dhexe, waxayna si gaar ah uga cabanayeen Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxda Maamul Goboledyada ayaa xubnaha Beesha Caalamka u gudbiyay caqabada hortaagan wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada inuu yahay Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xubnaha Beesha caalamka ayaa la sheegay inay dhageysteen cabashada madaxda Maamul Goboledyada kadibna ay sheegeen in dhibaatada jirta la xalin doono.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay suuragal tahay in Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu safar ugu ambabaxo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Nairobi, Berrina ku soo wajahan Muqdisho ayaanan waxba kala socon arrimaha ku xayndaaban Shirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com