Maxamed Bin Salman oo si aan la fileyn uga jawaabay bah-dilkii Donald Trump

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa amaanay xiriirka boqortooyada kala dhaxeeya maamulka iminka ee Mareykanka, maalmo kadib markii madaxweyne Trump uu bah-dilay boqor Salmaan, oo uu sheegay in la’aanta Mareykanka aanu xukunka joogeen laba toddobaad.

“Waan jeclahay inaan la shaqeeyo Trump” ayuu Bin Salmaan u sheegay warbaahinta Bloomberg, isaga oo intaas ku daray in labada hogaamiye ay wax badan uga guuleysteen Bariga Dhexe, gaar ahaan xagjiriinta, argagixisada iyo kooxda Daacish.

Waxa uu sheegay in ay caadi tahay in xulufada mararka qaar ay is-khilaafaan, isaga oo tix-raacayey hadalka Trump.

“Ma dhici karto inaad ahaataan saaxiibo 100% iska sheega wax wanaagsan. Xitaa taas kama heleysid qoyskaaga, mar walba waxaa jiraya isfaham waa. Marka taas maskaxda ayaan ku haynaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayey gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Sacuudiga ay tahay inay lacag ku biixiyaan difaaca ay ka helaan Mareykanka, maadaama dalkaas uu yahay dal hodan ah.

“Waxaan ku iri, ‘iga raali noqo, boqor Salman, ma dhib ayaad u aragtaa inaad bixiso lacagta ciidamada militariga Mareykanka’, kadib boqorka wuxuu iigu jawaabay ‘arrintan weligey cid ima weydiin’, waxaan kadib ku iri ‘aniga ayaa hadda ku weydiinaya, boqor’” ayuu yiri Trump.

Inkasto Maxamed Bin Salman uu bixiyey jawaab daciifnimo ah ,haddana wuxuu gadaal kasii raaciyey “Dowladda Sacuudiga waxay jirtay Mareykanka ka hor 30 sano, Boqortooyadana lacag kuma bixin doonto in amaankeeda la sugo”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com