XASAN Sheekh oo eedeyn culus u jeediyey dowladda

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya iyo dawladooduba ay ka garaabaan dhibaatadii shacabka Somaliland ka soo gaadhay dawladii Soomaaliya, waxaanu si da’dban ugu eedeeyay dawladda wakhtigan inay sii kala fogaysay Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa ku faanay inuu iska ilaalin jiray in la kala fogaado.

Xasan Sheekh wuxuu u soo jeediyay dawladda Soomaaliya iyo shacabkooda inay dawladnimada Soomaaliya keen Somaliland sidii ay shacabka Somaliland xorriyadoodii u geeyeen lixdankii.

Wuxuu Xasan Sheekh yiri  “Walaalaha waqooyiga ee keenay midnimada iyo walaaltinimada halkan u yimi ee isku biiray ee ay samaysantay Jamhuuriyadii 1960 jirtay waxay mudan yihiin in taariikhda lagu xuso wanaagaas iyo niyadsamida Soomaalinimada ah ee ay barigaas la yimaadeen, duruuftaasi waa ay isbadashay walaalahaasina waa ay maqan yihiin oo waxbay tabanayaan, magaca dawladnimada ayay wax ku tabanayaan, magaca dawladnimada in lagu dhibay oo wax looga biyay ayay tabanayaan”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa ila haboon dadka Soomaaliyeed dawlad iyo shacaba inaan walaalahaas garowshiiyana siino markeenana aan u gayno oo aan midnimadii,dawladnimadii iyo walaaltinimadii inaan qaadno oo aan agtooda gayno, waanan hubaa in aanay inagu soo celinayn, laakiin intaan aad uga fikirno sida si ugu fiican  dhibkii dhacay iyo mushkiladii  dhacday ee magaca dawladnimada loogu gaystay inaan garawshiyo buuxa ka bixino mustaqbalka soo socdan aan talo fiican iskaga ogaano.”

Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri “In badan waanu ka soo shaqaynay heerar badna waanu soo gaadhsiinay laakiin  hawshu waxay u baahantahay wakhti dheer iyo dedaal aad iyo aad u dheer, anagu barigii aanu joognay talada waxaanu go’aan ku gaadhnay mar walba waxa wanaagsan ee midnimada keeni kara inaan doono haddii ay nagu adkaatana in aanan uga darin meesha ay markaas taagan tahay oo aan la sii kala irdhoobin ee meesha ay taagan tahay lagu celceliyo.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com