SOMALILAND oo shaacisay suuragal nimada ah inay la midooban SOOMAALIYA

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa daaboolka ka qaaday inay diyaar u yihiin wadahadal iyo midow ay la yeeshan Somalia inteeda kale.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan caqabad ku aheyn midowga Soomaaliweyn hase yeeshee ay doonayan in marka hore ay hubiyaan in Somalia ay diyaar u tahay midnimada.

Haweeneyda lagu magacaabo Adna Aadan Ismaaciil oo ah Ergeyga Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in ay dib u midooban labada dhinac.

Adna Aadan, waxa ay sheegtay in midowga labada dhan uu ku imaankaro keliya in Somalia ay marka hore diyaar u tahay in la dhowro nidaamka dowladnimo, maadaama ay Somalia ka jiraan sharciyo kala duwan.

Iyadoo u warameysay Idaacada VOA laanteeda Afka Somalia ayey tiri “Somaliland diyaar ayey u tahay inay la midowdo Somalia inteeda kale waa haddii laga helo Somalia shuruudaha, waayo labada dhanba waxa ay doonayaan nabad”

“Midowga labada dhinac waxa uu yahay mid ku xiran in Somalia marka hore ay hesho dowlad dhameystiran oo ay soo doortan shacabka”

Adna ayaa sheegtay in Somaliland ay ka tanaasuli karto gooni isu taagga haddii Somalia inteeda kale ay ka dhalato dowlad ay shacabka doortan islamarkaana garawshiyo ka bixiso tabashada Somaliland.

Adna waxa ay carab dhabtay in Somaliland aysan caqabad ku aheyn wadahadalka labada dhinac, waxa ayna taa bedelkeeda sheegtay inay aad usoo dhaweynayaan wadahadal iyo midow dhexmara labada jiho.

Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa dhawaan bilaabay dadaalo ay wadahadal iyo midow uga dhex abuurayan Somalia iyo maamulka Somaliland oo ka gadoodsan Somalia inteeda kale.

Danjirayaasha labada dal ee ka howlgala Kenya ayaa horaantii asbuucii tagay wadahadal la yeeshay mas’uuliyiin ka kala socda labada dhinac waxaana lagu wadaa in Somaliland ay muujiso tanaasul.

Dhinaca kale, wadahadallada Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in  dhawaan ay ka bilowdaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com