XOG: Axmed Madoobe oo Nairobi ka wada kulamo uu ku hurinayo dagaal qabiil oo ka dhaca Jubbaland

Naiorib (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo culeys badan kala kulmayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ka bilaabay Ololo xooggan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Magaalada Nairobi kulamo kula qaatay odayaal ka socday Beesha Ogaadeyn oo uu isaga isugu yeeay.

Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah Odayaashii ka qeybgalay kulankaas, Axmed Madoobe ayaa Odayaasha u sheegay inay Dowladda Dhexe ay ka shaqeeneyso sidii qabiilkiisa loola dagaalami lahaa.

Axmed Madoobe ayaa Odayaashaas u sheegay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Dowladda oo ku dhisan qaab Qabiil, waxaana muuqato inuu arrintaas fursad uga dhiganayo sidii uu usii dheereysan lahaa waqtiga kursigiisa oo ay ka dhiman tahay waxyar loona diyaar garoobayo doorasho cusub.

Shirka Odayaasha iyo Axmed Madoobe oo ahaa mid saxaafadda loo diiday isla markaasna alabaabada u xirnaa ayaa halkaas Odayaasha uga sheegay in Fahad Yaasiin oo ah Taliye ku xigeenka Nabadusgidda uu yahay  Cadawga ugu weyn ee Beesha Ogaadeen, wuxuuna ka codsaday in ay warbaahinta la hadlaan si ay Soomaalida u gaarsiiyaan hawlaha ay Dowladda Federaalka ka waddo Jubbaland.

Lama oga sida ay beesha uu ka dhashay u aqbali doonaan xeeladda cusub ee Axmed Madoobe maadaama haatan ay jirto mucaarado xooggan oo ka imaanaya beelaha aan ahayn Maxamed Subeer, gaar ahaan Cowlyahan.

Axmed Madoobe ayaa Xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hadda ku sugan yahay dalka Nairobi halkaas oo uu kaga qeybgalay Shir ay Maamulada la yeesheen Beesha Caalamka.

Qaar ka tirsan Odaasha Beelaha Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ku eedeyey inuu ka shaqeenayo burburinta Maamulkaas, sidoo kalana waxay ku eedeeyeen inuu xilalka maamulkaas intiisa badan uu u dhiibay Beesha Ogaadeyn.

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku mideysan Beelo badan, waxaana muuqato in inta badan aysan ku qanacsaneyn maamulkaas, maadaama Axmed Madoobe lagu eedeeyey inuu yahay shakhsi aan dhex dhexaad u aheyn Beelaha halkaas dago.

Caasimada Online
Xafiisaka Nairobi
Caasimada@live.com