Wasiir Jamaal oo qaab aan horey loo arag ku noqday XILDHIBAAN ka tirsan BF

Garoowe (Caasimadda Online) – Maanta oo Axad ah ayaa waxaa Magaalada magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ka dhacday doorashada kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursigaan doorashadiisu maanta ay dhacday ayaa waxaa iska casilay Dhahar Cali Faarax kadib markii loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.

Xubnaha kurisgan ku tartamay waxaa kamid ahaa wasiirka wasaradda Qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo  Maxamuud Cabdullaahi Maxamed,  iyadoo magaaladaasi ku sugan yihiin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo ay horkacayso guddoomiyaha guddigaasi Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey).

Dhammaan ergadii Kursigan dooranayey oo ahaa 51 ayaa codadkooda siiyey Wasiir Jamaal marka laga reebo laba cod oo halowday.

Ma jirin hal cod oo uu helay ninkii la tartamayey Jamaal ee lagu magacaayey Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu Jamaal helay codad gaarayo ilaa 49 cod halka lama cod ay gubteen.

Qaabka uu Wasiir Jamaal u guuleystay ayaa ah qaab aan horey loo arag waxaana muuqatay in Booskaas la iibsaday sidoo kalana waxa la yaabka leh ayaa noqotay in qofkii la tartamayey uusan xataa helin hal cod.

Wasiir Jamaal ayaa horey loo aaminsanaa inuu booskaas iibsaday, sidoo kalana Odayaasha Warsengeli ayaa k dhaadhacsiyyey inay kursigaan kusoo wareejiyeen jufadiisa oo aan markii hore laheyn booskaas sida aad ku akhrisateen wararkeenii hore.

Caasimada Online
Xafiisaka Muqdisho
Caasimada@live.com