Madaxweynaha HirShabelle WAARE oo kala fur-furay xildhibaanadii mooshinka

Jowhar (Caasimadda Online) – Waraka ka imaanaya Magaalada Jowhar Ee Xarunta G/Sh/Dhaxe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay magaaladaasi Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo maalin ka hor mooshin ka gudbiyay.

Kulamadan ayaa yimid kadib markii xildhibaano gaaraya 57 xildhibaan ay Madaxweynaha Maamulkaasi ka gudbiyeen mooshin xil gudasha la’aan sida ay sheegeyn.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada uu kulanka la yeeshay waxaa uu kala hadlay in ay dib uga noqdaan mooshin ay gudbiyeen islamarkaasina arinta si hoose loo xaliyey.

Maxamed Cabdi Waare oo ku sugnaa Maalmihii dambe magaalada muqdisho ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada jowhar si uu u dajiyo xaalka jowhar oo mar qura laga war helay arimo mooshin oo ka jira.

Kulamada uu xildhibaanada la qaatay madaxweyne Waare ayaa waxaa ay xildhibaanada kaga dalbadeeyn in uu dhamaan xaliyo tabashooyinka ay usoo jeediyeen xildhibaanada sida xildhibaano ka tirsan baarlamanka Hir-shabelle ay tibaaxeyn.

Wariyeyaasha ku sugan magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in Madaxda Hirshabeelle ay dadaal ugu jiraan kala fur-furida Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Waare.

Wararka ayaa sheegaya in kulamada ay isugu jireen kuwo gaar gaar ah iyo kuwo guud oo Madaxda Hirshabeelle lakala qaateen Xildhibaanada, waxaana inta badan looga hadlayay sidii loo xalin lahaa tabashada Xildhibaanada.

Ilo ku dhow dhow Xildhibaanada ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar la qanciyay, balse ay jiraan Xildhibaano kale oo ka biya diidan inay ka laabtaan Mooshinkan.

Madaxweyne Waare ayaa qabsatay caqabadii uu ka digayay ee aheyd labo geeriyaad, kaddib markii uu balanta uga baxay saaxibadiisa maamul goboleedyada, isla markaana heshiis la galay dowladda Federaalka iyo Mooshin uga yimid Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, inkastoo dowladda Federaalka uu taageero ka heysato.

Caasimada Online
Xafiisaka Muqdisho
Caasimada@live.com