Qoraagii Jamal Khashogji oo la rumeysan yahay in lagu dhex dilay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul

Istanbul (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qoraagii Sacuudiga Jamaal Khashogi oo lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu dhex dilay Qunsuliyaddaasi.

“Baaritaanada hordhaca ah oo ay sameeyeen Booliska Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Mr. Khashoggi lagu dilay gudaha Safaaradda dalka Sacuudiga ee Istanbul, waxaan rumeysanahay inuu dilkaan ahaa mid qorsheysan kadibna meydkiisa loo soo bixiyey banaanka Safaaradda” sidaas waxaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay mid kamid ah Saraakiisha dalka Turkiga ee wada baaritaanka ku aadan kiiskaan oo noqday mid hadal heyntiisu uu qabsaday guud ahaan Turkiga.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa shaacisay war ay ka soo xigatay Ilo mas’uuliyiinta Amniga dowladda Turkiga ka mida oo sheegay inay gaareen qiimeyn ah in qoraaga lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, kadibna meydkiisa laga saaray xarunta Qunsuliyadda.

Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa laga soo xigtay in dilka Qoraaga oo ahaa nin ku kacsan nidaamka Boqortooyada Sacuudiga uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay.

Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa sheegay in saraakiil Sacuudiyaan oo gaaraya 15 qof ay Qunsuliyadda tageen maalintaasi uu ballanta ku lahaa Qunsuliyadda, iyagoo isla maalintaasina ka dhoofay dalka Turkiga.

Illo wareedyada si rasmi ah uma shaacin sida ay u aaminsan yihiin inuu dilkaas u dhacay, Balse Qunsulka Sacuudiga u joogo Istanbul Mohammad al-Otaibi ayaa Sabtidii sheegay inay diyaar u yihiin inay Booliska Turkiga ka caawiyaan baaritaanka Khashoggi, wuxuuna meesha ka saaray inay iyada ku lug leedahay sababtii loo waayey.

Qunsulka Sacuudiga ayaa laga soo xigtay in Kaamerooyinka xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul aysan shaqeynin oo aysan suuragal ahayn in la ogaado xilliga uu qoraaga galay ama ka baxay xaruntooda.

Khashoggi oo ku noolaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay Magaalada Washington isagoo ka cabsaneyey inay Sacuudiga ku ciqaabto Ra’yigiisa uu kaga soo horjeedo Boqortooyada ayaa la sheegay inuu Safaaradda u doontay Waraaq meher xaas uu rabay inuu guursado sida ay sheegtay Gabadh uu rabay inuu guursado oo ku sugeysay banaanka hore ee Safaaradda taasoo sheegtay inaysan weli heyn meel uu Wariyahaan kaga soo baxay Safaaradda, waana arrinta weyn uu keentay in dilka wariyaahaan looga shakiyo Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul.

Tan iyo markii la waayey Qoraagaan, waxaa jiray warar is khilaafsan oo kasoo baxayey Mas’uuliyiin ka kala tirsan Sacuudiga iyo Turkiga,  Ankara ayaa sheegtay inaan weli la heyn caddeyn muujineyso inuu qoraagaan kasoo baxay Dhismaha Safaaradda, Halka Ridyadh ay sheegtay inuu Xarunta Safaaradda kasoo baxay isla Maalintii uu galay.

Hadidi ay xaqiiq noqoto in Qoraagaan lagu dhex dilay  Gudaha Safaaaradda Sacuudiga ee Istanbul Waxay sababi doontana inuu xumaado xiriirka Sacuudiga iyo Turkiga, waxaana warkan uu yahay mid si weyn looga naxay oo faahfaahintiisa la sugayo.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com