Beyle: “Qorshuhu waa inay Farmaajo iyo Kheyre isla dhegex dhigaan xarunta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyada xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ka hadlay qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso xarunta Golaha Murtida iyo wacyigalinta tiyaatarka Qaranka.

Wasiir Beyle, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka go’an tahay inay dib usoo celiso dhismihii qurxanaa ee xarunta Golaha Murtida, waxa uuna tilmaamay in iminkaba la bilaabay dadaalka lagu dhisaayo.

“Dowladu wey ka go’an tahay in xarunta lagu soo celiyo dhismaheedii hore waxaanu isla garanay inay muhiim tahay in dalka uu helo tiyaatar lagu dhiirankaro oo ay ku kulmaan dhalinyarta Soomaaliyeed kuwooda fanka jecel”

Wasiir Bayle, ayaa sheegay in dhawaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ay dhagax dhigi doonan xarunta Golaha Murtida iyo Wacyigalinta tiyaatarka qaranka, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaatan dhismaha lagu sameyn doono xaruntaasi.

Xarunta Golaha Murtida iyo Wacyigalinta tiyaatarka Qaranka  ayaa ka mid ah meelihii ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka, Balse waxaa xusid mudan in ay hada ay socdaan ololo lagu Dayactirayo Xaruntaasi.

Sidoo kale, Beyle ayaa cadeeyay in dowlada Somalia qudheeda ay garwaaqsan tahay in muhiim ay tahay in la helo tiyaatar dib loogu soo nooleeyo howlaha Fanka iyo suugaanta.

Haddalka Wasiir Beyle, ayaa u muuqanaya mid ay dowlada Somalia ku muujineyso ahmiyada uu u leeyahay tiyaatarka Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com