Abiy Axmed oo waqti dheeri loogu daray hoggaaminta xisbiga maamula Itoobiya

Hawaasa  (Caasimadda Online) – Magaalada Hawaasa ee wadanka Itoobiya waxaa lagusoo gaba gabeeyay shirkii ay lahaayeen madaxda Xisbiga talada haya waxaana looga arrinsanayay sida laga yeelayo maamulka hadda jira.

Xisbiga EPRDF ayaa su’aalo adag weydiiyay xukuumadda uu hoggaaminayo Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya oo bilihii lasoo dhaafay isbedello dhanka maamulka ay ku tallaabsanaysay.

Khudbado ay madasha shirka ka jeediyeen afarta Xisbi uu ku mideysan Hoggaanka Talada Itoobiya haya ayay ku dhaliileen qaabka uu Abiy Axmed dalka u maamulayo balse waxay taageereen in uu talada sii hayo.

Shirkii ka dhacay magaalada Hawaasa ayay dhinacyadu isku raaceen in labada sano ee soo socota uu Abiy Axmed sii hoggaamiyo xisbiga taas oo ka dhigan in uu R/wasaare kasii ahaanayo Itoobiya.

Talooyinka xukuumadda loosoo jeediyay waxaa kamid ahaa in mucaaradka ay xukunka ka qeybgeliso islamarkaana ay waxka qabato dagaalka u dhaxeeya qowmiyadaha ee kasii holcaya wadanka Itoobiya.

Siyaasiyiin ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in meesha ay ka baxday cabsidii laga qabay in Abiy Axmed uu waayo guddoominta Xisbiga EPRDF.

Sanaddii lasoo dhaafay ayay Itoobiya qarka ufuushay dagaal sokeeyay kadib kacdoon shacbi ah oo ay dhigeen qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah kuwa ugu waaweyn wadanka balse iscasilaadii R/wasaarihii hore iyo maamul isbedel layimid ayaa baajiyay burburkii lafilayay in uu ku yimaad dowladda Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiisaka Adis Ababa
Caasimada@live.com