Dooorashada qof iyo cod ee 2020 yaa ku hor-gudban

50 Sano ka hor ayaa Somaaliya ugu danbeysay doorasho Qof iyo Codkiis ah, Xizbiyo Siyaasadeed iyo Tartan furan, 1967.

Dawlada Somaaliya oo dib loo yagleelay 2000, ayaa 20 jirsaneysa 20 20, waxaana ugu weyn hawsha laga sugayo xaqiijinta doorasho Qof iyo Codkiisa ah, dhismaha Xizbiyo ku tartama, ka guurida Doorasho dadban, Oday dhaqameed iyo 4.5.

Hadaba waxaa muuqda Rajo lagu guuleysan karo 20 20 iyo Cabsi lagu fashilmi karo.

A-Rajada lagu guulaysan karo:

1-Dadka Somaaliyeed oo ay ka muuqato bisayl Siyaasadeed 60 Sano kadib Xorriyadii dalka, markii ay soo mareen; Doorasho iyo Dimoqraadiyad, Inqilaab iyo Kali-talis, Jabhado iyo Dagaalo sokeeye, Dawlad la’aan iyo Fawda, ku meel-gaar iyo 4.5, Federaal iyo Dawlad-gobaleed, Ciidamo Shisheeye iyo Faragelin Shisheeye.

2-Dawladii ugu horeysay ee ku dhawaaqda doorasho Qof iyo Cod ah, bilawdana hawsha Doorashada ka hor waqtigeeda 2 Sano.

3-Dabeysha rabitaanka Xizbiyada iyo Doorashada oo aad u badan kadib markii ay gaartay heer la isku qab-qabsado magacyadii Xizbiyada 2 Sano ka hor, iyo codsiyadii diiwaangelinta oo sii maraya 50 meeyo.

4-Madaxweynihii ugu horeeyey Taariikhda Siyaasada Somaaliya ee ka dega Xilka oo furtay Xizbi Mucaarad ah, rabana in uu ku guuleysto Doorasho Qof iyo Cod ah, kadib markii uu ku guul-dareystay in uu qabto xilligii uu Xilka hayey.

5-Xuxuumada Nabad iyo Nolol oo shalay bilawday dhismaha Xizbi matala Xukuumada.

6-Barlamaanka Federaalka oo laga rabo Kalfadhigaan in uu ku kala biiro Axzaab Siyaasadeed, kana koro heerkii Qabiilka iyo Gobaleysiga ee lagu soo doortay.

7-Beesha Caalamka oo balanqaaday taageerada doorashada 20 20 iyo Dawlada Federaalka oo u qoondeysay Miisaaniyad gaar ah.

8-Gudiga Doorashada Qaran oo diyaar u ah, lehna khibrad iyo waaya aragnimo 4 Sano ah.

9-Saameynta Dabeysha Dimoqraadiyada ee Isbedelka Geeska Afrika oo ka bilawday Ethiopia, Gobalkuna soo wada dhaweeyey.

B-Cabsida laga qabo Fashilka Doorashada 2020:

1-Dhaqanka Siyaasiyiinta u bartay faa’iidada fursadaha Qabiilka iyo Musuqmaasuqa.

2-Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada u bartay faa’iidada Mooshinada iyo Isbedelada Xukuumadaha sanad kasta, oo aan laheen Sabar ay ku sugaan 2 Sano.

3-Odayaasha Dhaqanka oo u bartay in ay soo qoraan Xildhibaanada Qaranka ilaa Carte 2000, kana heli jiray dhaqaale iyo awood.

4-Madaxda Gobalada oo u bartay in ay soo qortaan Xildhibaano daacad u ah oo ay ku Dabraan Dawladda Federaalka.

5-Faragelin Dawlado Shisheeye oo u bartay Faa’iidada dhibaatada Somaaliya, una arka doorashada iyo horumarka Somaaliya in ay Khatar ku tahay Danahooda.

6-Arinta Somaaliland oo aan weli laga gaarin xal Siyaasadeed, kuna yartahay 2 Sano.

Hadaba Qodobada Rajada guusha oo ka badan kuwa Cabsida ayaa siin kara dadka Somaaliyeed in ay ku dhiiradaan Doorashada Qof iyo Cod 20 20, una bedelaan Caqabadaha Fursado gaarsiin kara Himilada iyo Hiigsiga.

W/Q. Mohamed Gacal