Muxuu Xaaf ka yiri wararka sheegaya inay Nairobi kula shireen beesha caalamka

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, kadib booqasho uu maalmahaani ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xaaf iyo Madaxda maamul Goboleedyada kale ee ka jira dalka ayaa la sheegay in maalmahaani ay magaalada Nairobi u joogen la kulanka Mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka oo fadhigooda uu yahay Nairobi.

Kulanka ay la qaateen Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay dacwad uga gudbinayeen Dowlada Somalia oo ay tilmaameen inay ku heyso cadaadis xad dhaaf ah.

Xaaf ayaa goortii uu ka dagay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud beeniyay inay la kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka balse waxa uu taa bedelkeeda cadeeyay keliya inay is arkeen oo aysan kawada hadal arrimaha Somalia.

Xaaf waxa uu sheegay in socdaalkooda Nairobi uu ahaa mid ku qotomay arrimo kale, balse waxa uu beeniyay in Beesha Caalamka ay kala hadleen arrimo khaasa oo khuseeya Dowlada Somali.

Waxa uu Xaaf sheegay in kulankooda uu 10-ka Bishaan ka dhici doono Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxana Madaxda Dowladda uu mar kale ku eedeeyay in weli ay wax war ah ka la’yihiin, faragalintuna ay tahay mid wali ku socta.

“Dowlada kama heyno war aan ku qanacno waxaana qireynaa in weli nalagu hayo faragalin weyn marka waxaan oran lahaa dowlada warkeed ha cadeyso”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cirka isku sii tolaaya Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo dowlad goboleedyada, iyada oo aan wax xal ah laga gaarin khilaafka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com