26.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Daawo: Muuqaalkii baraha bulshada qabsaday!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Muuqaal si qarsoodi ah looga duubay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ahaa ciidamada oo si awood ah timaha kaga jaraya dhalinyaro ku sugan magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo timo jarista u adeegsanaya maqas loogu talo galay in dharka lagu jaro oo ay adeegsadaan kuwa Dawaarleyda “Harqaanleyda” ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland, kaasi oo cadeynaya amarka dhalinyarada timaha looga jarayo, taasi oo caqabad kale ay ka dhalan karto.

Sanadkii hore ciidamo dhalinyaro ahaa oo loo tababaray dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale ka bilaabay magaalada Muqdisho, balse markii dambe maamulka gobolka Banaadir ayaa joojiyay.

Qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Kismaayo ayaa ka dalbaday maamulka degmada iyo maamulka Jubbaland inay arintaasi cadeeyay inuu yahay amar guud iyo in dhalinyarada ciidanka ku jirta ay maskaxdooda ka qorsheysteen.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News