Daawo: Biixi oo gaaray Burco iyo ujeedka socdaalkiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweynaha iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa si weyn lagu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo uu safar shaqo ku gaadhay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo saaka ka ambo baxay magaalo xeebeedka Berbera oo uu maalmihii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay ayaa markii ay soo gaadheen duleedka waqooyi galbeed ee magaalada Burco waxa kaga hor yimid maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco, xubno xukuumadda katirsan, madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo ku lebisan astaanta calanka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa isaguna u gacan haadiyey dadweynihii safafka ugu jirey soo dhaweyntiisa, isaga oo sidoo kalena gacan qaaday madaxdii, masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii soo dhaweyntiisa u taagnaa, waxana loo sii gelbiyey dhinaca gudaha magaalada Burco.

Magaalooyinka iyo tuulooyinka kala duwan ee u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco, ayey madaxweynaha iyo weftigiisa si heer sarraysa ugu soo dhaweeyeen dadweynaha deegaannadaas ku dhaqani ka hor intii aanay Burco gaadhin.

Ujeedka socdaalka madaxweyne Muuse Biixi ee magaalada Burco ayaa u daaran ka qayb-galka shirka golaha dhexe ee xisbul xaakimka Kulmiye oo ka dhacaya magaaladaasi.

Muuse Biixi ayaa Burco ka soo laaban doona isagoo mar labaad musharrax u ah xisbiga Kulmiye, sida laga soo xiganayo xubno qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha.

Shirweynaha Kulmiye ayaa kusoo aadaya xilli ay Somaliland ka aloosan yihiin xiisaddo isbiirsaday, oo ka dhashay khilaafka doorashooyinka iyo siyaasad xumada hoggaanka maamulka, taasi oo buuraha saartay jabhaddo kasoo horjeeda maamulka.

Hoos ka daawo muuqaalka